Fahamka Xogta iyo Noocyadeeda
Si guud, xogta waxaa loo kala saara laba nooc: xog tireed iyo xog qaybeed.
Ka soo qaad inaad tahay weriye arimaha siyaasadda. Waxaa laguu xilsaaray inaad falanqaysid xogta sahanka cod-bixiyaha, tan lasoo uruuriyo ka hor doorashada. Waxaa laga rabaa inaad macne ka samaysid lambaradan, ka warbixisid dareenka iyo rabitaanka cod-bixiyaasha Qansaxlaan.
Xogtu lagu siiyey waa kaamil, tiro iyo tayo ahaan. Laakin, inta aadan guda gelin ka mira dhalinteeda waa in aad fahan fiican ka haysatid xogta iyo jaadadkeeda. Nooc weliba macno, sifo iyo qaab loo falanqeeyo, sawirna looga bixiyo ayay leedahay. Dalaq bila hooddi, adigoo xog mooge ah haddaad iska-gashid, shaki maleh, siday dhihi jireen, in aad xaajada indhaha ka ridaysid.
Si guud, marka la rabo in arrin la derso waxa lasoo uruuriya xog, sida aftidan Qansaxlaan. Badanaa xogta marka la uruurinaayo, cabbirro kala duwan ayaa laga qabtaa arrinta loo danleeyahay.
Tusaale ahaan, sahankan Qansaxlaan waxaa loo dan leeyahay waa aragtida cod-bixiyaha, waxayna unug ahaan ka kooban tahay qof iyo xogtiisa. Unug xogeedkan afka cilmibaarista waxa lagu dhaha kiis, ama hal kiis. Cabbirka laga qabto qof ama sheyna waxaa la dhahaa doorsoome.
Sida tusaha hoose ka muuqato, jiifutax kasta waa hal kiis, joogutax kastana waa hal doorsoome. Si kale hadaan u dhigno, doorsoome waa sifo la tirin karo ama la cabbiri karo, oo u qof ama shay gaar u leeyahay, waqtina iskubeddeli kara.
Isha mari xogta tusahan hoose kujirto, waxaan u isticmaali doonnaa in aan macnayno noocyada kala duwan ee xogta.
Si guud, xogta waxaa loo kala saara laba nooc (jaad xogeed): xog tireed iyo xog qaybeed.
Xog Tireed
Sida magaceeda ka muuqda xog tireed waa xog ku saabsan tirooyin. Xog tireed waa cadad tirooyin ah oo wax lagu cabbiro ama lagu tiriyo. Xogtan waxay usii kala baxdaa laba nooc: xog tirsiimo iyo xog socota.
1.1 Xog Tirsiimo (discrete data)
Xog tirsiimo waa tirooyinka caadiga ah ee aan wax ku tirsano - tirooyinka sheyaal, dhacdooyin ama dad - sida inta inood ee shay ka kooban yahay.
Doorsoomaha seddexaad wuxuu ku saabsan yahay Da’da, waana xog tirsiimo, waa inta sano ee u jiro qofka la waraystay. Tusaaleyaal kale, oo ka baxsan xogtan, waxaa ka mid ah tirada arday ee fasal kula dhigato, tirada xildhibaanada mooshinka gudbisay, tirada qoyskiinu ka kooban tahay.
Xogta noocan ah lama dhudhumin karo ee waa la tiriyaa, waxaana ay noqota caddad go’an. Sidaas daradeed, suuragal ma ahan qof inuu dhaho 2.5 caruur baa ii joogta, iwm.
1.2 Xog Socota (continuous data)
Nooca labaad ee xog tireedka waa xogta socota (continuous data) waxay noqon kartaa caddad kasta, sida tiro idil, tobanley, jajab. Waa xog intii la rabo daqiiq noqon karta. Xogtan lama tirin karo ee waa la cabbira, la miisaama ama xisaab ahaan ayaa lagu sosaara. Tusaale ahaan, qofka culayskiisa: 64.8 kg, amaba joogiisa oo la ekaan kara 1.63 mitir. Sidoo kale, waxaa caynkan ka mid ah: cabbirka heerkulka, fogaanta, xawaaraha iyo xita waqtiga.
Hab-xisaab ahaan waxaa lagu qiyaasi karaa soo-bixidda codeeyaha (voter turnout score), in xogta shaqsiga la waraystay lagu saadaaliyo heerka filashada inuu codeyn doono iyo in kale. Joogutaxa isinkiisu yahay, Soobixidda, waa jaadka xog-socota.
Xog Qaybeed
Xog qaybeed waxay qusaysaa wixi aanan lambarro ahayn, waxayna u taagan tahay kooxaynta ama kala soocida maclumaadka, sida ka siman astaan, sifo, iyo summad. Xogta noocan ahi, waxay tilmaan ka bixisaa shayaal ama qof: magaciisa, jinsiyadiisa, luuqadiisa, midabkiisa iwm.
Xog qaybeed waxay usii kala baxdo seddex jaad: sifaale, labaale, iyo jagaale.
2.1 Sifaale
Sifaale waa astaan ama magac lagu aqoonsado qof, shey ama koox. Tusaale ahaan, magaca xisbi siyaasadedka u taageero qofka la wareystay wa xog sifaale ah. Xogta noocan waxay inaga caawinaysa in aan kala soocno codbixiyaha sahanka. Maadama magac uun tahay xogtani, wax macna ah ma samaynayso in la kala horraynsiiyo.
Tusaleyaasha kale ee xogta sifaale waxaa ka mid ah qofka jinsiyadiisa, xaaladiisa guur, magaca degmada ama gobolka uu ka soo jeedo, iwm.
2.2 Labaale
Xogta cadadkeedu ama qiimaheedu noqdo laba kaliya ee aan wax kale noqon karin sida suaal ay jawaabteedu tahay haa iyo maya, run iyo been, ama natiijada soo baxda marka shilin la tuuro (madax iyo xarash) waxaa la dhaha labaale.
2.3 Jagaale
Jagaale waa xog qaybeed leh intii aan hore ugu soo sheegnay xogta magacle. Laakin waxay inta dheertahay inay leedahay darajo, horsanaan (waa xog kala horraysiinteedu macna leedahay), waxaana ka mid ah xogta lagu isticmaalo iskeelka qiimaynta (rating scale).
Tusaale ahaan, xogta aftida Qansaxlaan, doorsamaha waxbarashadu, wuxuu muujinaya heerarka waxbashada qofka la wareystay oo kala ah: Dugsi Quraan, Dugsi Hoose/Dhexe, Dugsi Sare, Jaamacad. Xogtan waxaad ku ogaan kartaa heerarka waxbarasho ee qof ka la waraystay, oo way kala derejo sarraysaa.
Tusaalaha kale waa marka hab iskeel ahaan lagu muujiyo taageerada u qof u haayo arrin ama xitaa musharrax. Eeg iskeelka hoose, in kasto jawabaha qofka uu dooranaayo lagu beddelo tiro, xogtan ma ahan xog tireed, lambarraduna macno maleh aan ka ahayn boos buuxin.
Iskeelka Likaad wuxu ka mid yahay xog jagaale waxaana loogu magacdaray aqoonyahanki allifay, barfasoor Rensis Likert, oo si weyn loogu aqoonsan yahay aabaha sahannada cilmibaarista.
Jaadadka Kale ee Xogta
Si kooban waxaan rabaa inaan u xuso inay jiraan noocyo kale oo xog, oo intaan soo sheegnay ka baxsan. Noocyadaas kale waxaa loo adeegsada hawlo gaar ahaaneed, asalkooduse waa inta aan kor kusoo xusnay. Xogta noocani ah waxay mudan tahay in casharro gooni ah laga sameeyo.
Xogaha noocan waxaan ka xusayna: xogdhuleed oo ah macluumaadka khariiradaha, kol-dareerin oo ah xog loo adeegsado falanqaynta waqtiga, xog-qoraaleed waa macluumaadka qoran sida maqaalada, hadaljeedinnada, buugaagta, iwm.
Qaabdhismeedka Xogta
Ugu dambeyntii, waxaa lamahuraan ah xogta inay nadiif tahay, qaabdhismeedka sax ahna leedahay inta aan falanqaynta loo gudbin. Nadiifinta xogta marka kale ayaynu arki doona, laakin dhanka qaabdhismeedka, xogta waa in laga hela afartan qodob:
Jiifutax kasta waa inay kujirto kaliya macluumaadka hal kiis. Jiifutax kasta waa inuu leeyahay tixraac, magac ama lambar lagu garan karo kiiska (waa qofka ama sheyga ay xogta quseeyso).
Joogutax kasta waa inay ku jirto keliya xogta hal doorsoome. Sidoo kalena, doorsoome walbo waa inuu leeyahay isin ama magac muujinaya waxa u cabbirraayo.
Unug kasta waa inay kujirto kaliya hal barxog. Tusaale ahaan, 68 oo u taagan da’da qofka la waraystay, waxaa qalad unugan inay ku wada jiraan da’da iyo macluumad kale.
Xogta hadday kala duwan tahay, waa in mid walbo lagu shubo tuse u gaar ah. Tusaale ahaan, xogtii aftida, waxaa suuragal ah in lagu kala weeleeye dhowr tuse si xog kala duwan aan hal meel laysugu wada gayn. Tuse ay kujirto xogta dadki la waraystay, mid ay ku jirto xogta siyaasiyiinta tartarmayso, iwm.
Xogta leh qaabdhismeedka aan soo xusay waxaa fudud in la falanqeeyo, xogsawiro laga sameeyo, siyaabo kala duwan loo adeegsado. Xogta noocasi ah waxaa la dhaha xogsan.




Ustaad allah haku dhowro waan ka faaiday qormadaan
uataad waad mahadsantahay aad baan ugu faaidey fahamka xogta iyo noocyadeda