Qaybta 1aad - Su’aalo Weydi Xogta
Baro asaaska xogtusaha iyo sida xogta su’aalo loo wareysado

Xogtuse (spreadsheet) - waa tuse shabaq ahaan u samaysan. Taariikhda xogtusaha waa mid aad u fog. In ka badan 4000 sano ka hor, Baabiliyiinta ayaa waxaa la sheegaa inay hindiseen loox dhoobeed u eg xogtusaha, si ay ugu kaydiyaan xogta xiddigiska iyo tirakoobka xoolaha.
Ka hor inta aan la danabayn, aaladdan xisaabeed waxay sidoo kale anfacday beecmushtarrada, oo in ka badan boqollaal sano adeegsan jiray xogtuse xaanshiyeed ay ku ilaashadaan hantidooda.
Maanta se, xogtusuhu waa agab asaasi u ah xogmaal kasta, qaasatan suxufiga xogta. Xogtusuhu wuxuu kaaga filan yahay hawlo badan, hadday noqoto wax xisaabin, xog nadiifin, falanqayn, xogsawir, iyo xitaa inaad xog-dhigatid.
Inkastoo softaweerada xogtusaha ay tiro badan yihiin, shaqo ahaan way ka siman yihiin, oo wax badan kuma kala duwana. Qaarka aadka loo isticmaalo waxaa ka mid ah: MS Excel, Google Sheets, Numbers, OpenOffice Calc. Casharradan iyo kuwa xiga waxaan wax ku tusaalayn doonaa MS Excel.
Qaabdhismeedka Xogtusaha (Joogutax, Jiifutax iyo Unugyo)
Xogtusuhu waa tuse xisaabeed. Jiifutax waa tiro unugyo ah oo jiifa, waxaana lagu asteeya lambar. Joogutax waa tiro unugyo ah oo taagan, waxaana lagu asteeya xarfo. Halki xogtuse ee MS Excel wuxuu leeyahay ilaa 1,048,576 jiifutax iyo 16,384 joogutax.
Unug waa bedka laydisan ee la geliyo xogta, wuxuu dhacaa halka ay iskagalaan jiifutaxyada iyo joogutaxyada. Unug kasta wuxuu leeyahay tixraac lagu aqoonsado oo ka kooban xuruufta joogutax iyo lambarka jiifutaxa. Fiiri sawirka hoose.
Toox waa hal unug iyo wixii ka badan, sida A1:A10 ama A1:E10. Summada laba dhibcood (:) waa astaanta tooxa, waxay muujinaysa unugga uu tooxa kasoo billaabmaayo ila halka uu ku eg yahay.
Tooxu wuxuu noqon kara hal aaddimaale ama laba aaddimaale. Tooxa hal aaddimaalaha ah waa kan unugyadiisu ay ku kooban yihiin kaliya hal jiifutax ama hal joogutax. Halka tooxa laba aaddimaalaha unugyadiisu ay ka kala yimaadaan dhawr jiifutax iyo joogutax. Eeg sawirka hoose.
Qaaciddooyinka iyo Fansaarada Excel
Qaacidada MS Excel waa weedh xisaabeed looga shaqeeyo caddad ku jira unug ama toox unugyo ah. Sida, =B2 + B3 + B4 + B5, oo ujeedku yahay in la isugeeyo qiimeyaasha ku jira unugyada B2 ila B5.
Fal-xisaabeed kasta markaad qoraysid, waxaa lagama maarmaan ah in aad ka horumarisid summada isudhiganta (=)
Fansaar waa qaaciddooyin ku dhex dhisan MS Excel. Waxay meesha ka saaraysaa shaqada culayska leh qaladkana ka imaan karo marka uu qof qaaciddooyin gacanta ku qoro. Fansaar kasta wuxu leeyahay magac fudud oo laga fahmi karo shaqadiisu.
Tusaale ahaan, fansaarka =SUM(B2:B5) waa wadareeye, wuxu isugaynaaya qiimaha kujiro unugyada B2 ila B5.
Si uu ushaqeeyo, fansaarada waxay, inta badan, ka rabaan in xog lagu shubo. Tirada iyo nooca ay xogta ay noqonayso waxaa qeexaayo baraamitirka fansaarka.
Aan eegno, fansaarka SUM(), fansaarkan maadama shaqadiisu tahay isugayn, wuxuu rabaa inaad gelisid ugu yaraan labo tiro (ama baaramitir). Marka la qoraayo, baraamitir kasta iyo kan kuxiga waxaad u dhexaysiinaysaa hakad. Haddii aad rabtid, waxaad xogta u qori kartaa toox ahaan. Eeg sawirka hoose.
Layliga 1aad: Xogtebinta Miisaaniyadda Federaalka
Sannad kasta, xukuumaddu waxay soo rogtaa canshuuro. Waxaa loo meel mariyaa miisaaniyad, hase yeeshee shacabka Soomaaliyeed ma helaan macluumaad ay kaga bogtaan qaabka loo maareeyo dakhliga iyo kharashaadka dalka. Qaasatan sida loo maareeyo deeqaha, daymaha, qaabka loo qoondeeyey kharashaadka, qorshaha iyo mashaaricda la fulinaayo.
Warqab la’aanta shacabka waxay sababtay in dakhliga gudaha u yahay mid aad u hooseeyo. Wadarta guud ee miisaaniyadda Soomaaliya waxay ka yartay 11% waxsoosaarka guud ee gudaha (GDP). Sidoo kale, ku dhawaad 70% miisaaniyaddeena waa kab iyo deeq aan ka helno deeq bixiyayaal caalaami ah iyo dawladdo saaxiib inala ah.
Tirooyinkan waxay muujinayaan nidaam maaliyadeed oo aad u liito. Si caqabadahan looga gudbo, waxaa lama huraan ah in la helo daah-furnaan iyo isla xisaabtan. Waa in la dhiso kalsoonida shacabka, si ay canshuuraha u bixiyaan.
Saxaafadda Soomaaliyeed waxay arrinkan ka ciyaari kartaa door muhiim ah. Saxaafadda waxaa xil gaar ah ka saaran yahay sare-u-qaadidda ogaalka, wacyiga iyo ka qaybgalinta bulshada arrimaha miisaaniyadda.
Suxufiga xogtu waa inuu sameeyo sheekooyin daaha ka rogga soojeedinta dawladda. Sheekooyin bannaanka soo dhiga waxa ku jiro miisaaniyadda, sida ay u saamaynayso maciishadda iyo nolol-maalmeedka muwaadinka.
Nasiib wanaag, xirfadda suxufi ahaan aad u baahan tahay si aad xogta miisaaniyadda sheekooyin xiisa leh uga soo saarto waa kuwo aad fudud. Kaliya waxaad u baahan tahay inaad baratid asaaska xogtusaha iyo sida xogta su’aalo loo weyddiiyo.
Maqaalkan iyo kuwa xiga waxaad ku baran doontaa xogtusaha iyo habka loo falanqayn karo xogta miisaaniyadda 2024. Xirfadaha aad casharradan ku baran doontid waxaad u adeegsan kartaa falanqaynta miisaaniyaddaha soo socda.
Dejiso Xogta, Kana Baaraandeg Su’aalaha
Halkan kala deg xogta aan casharkan u isticmaali doonno.
Xogtani waa qayb yar oo ka mid ah nuqulkii miisaaniyadda ee la ansixiyay sannad maaliyadeedkan 2024. Asalka waxaa daabacday Wasaaradda Maaliyadda.
Marka aad xog heshid, tallaabada koowaad mar kasta waa inaad faham hordhac ka qaadatid lafdiga xogta. Inta aadan hawl kale gelin, waqti geli in aad fahamtid nooca, qaabka, mugga xogta iyo macnaha doorsoome kasta.
Mararka qaar xogtu waa caadyaal, oo iyada is-sharxaysa, waa marka magaca doorsoomaha laga fahmi karo macnaha iyo wuxuu cabbiraayo. Marna way adag tahay in xogta la fahmo qaasatan marka magacyada doorsoomayaasha la soo gagaabiyo.
Bal aan eegno xogtan miisaaniyadda. Jiifutaxa koowaad waa magacyada doorsoomayaasha xogtan oo inta badan macnahoodu iska cad yahay. Halkan aan ku yara qeexno waxa u mid walbo u taagan yahay.
Marka ay adag tahay in xogta la fahmo, waxaa la soo raaciyaa tuse, sida kan kor ku xusan. Tusahan waxaa lagu magacaabaa qaamuuska xogta. Wuxuu qeexaa macnaha doorsoome kasta, qaabdhismeedka, kujireenka, iyo habraaca xogta lagu soo uruuriyay. Qaamuuska xogta wuxuu sahlaya in aad faham buuxa ka heshid xogta, si sax ahna u falanqaynsid. Haddii la heli karo, mar walbo ka billow inaad raadisid, oo aad akhrisid qaamuuska xogta.
Tallaabada xigta waa in aad si hordhac ah xogta isha u marisid, si aad u ogaatid hadii ay qaladaad jiraan. Mar walbo xogta cillado lagama waayo, qaasatan kuwa ay dawladdaha iyo hay’addaha soo saaran. Feejignaan iyo dareen ku gal, ha u qaadan in wax walbo sax yihiin ama ay xogtu dhamaystiran tahay.
Eeg hadii ay jiraan wax qaldan ama wax maqan, sida: jiifutax maran, tiro lama filaan ah, tiro goonni ah, sida xafiis aanan wax mushahaar loo qoondayn, ama qoondo xad-dhaaf, iwm.
Mar haddaad faham hordhac ah heshay, isku day in aad curisid su’aalo la waydiin karo xogtan. Ogow, xog walbo waxay leedahay su’aalo ku habboon, kuwa ay ka jawaabi karto iyo kuwo aysan ka jawaabi karin.
Sidee ku heli kartaa su’aalo aad xogta wareysatid? La soco casharka kan xiga si aad u baratid xirfadda xog waraysiga. Hoos igu dhaaf, faallo ahaan, su’aalaha aad curisay.




Asc
Ustaad Abdimalik
su'aasheeda waxay tahay
MS Excel ka Clum's ka ku jira miyaa loo yaqaanaa unugyada